Arag farqiga u dhexeeya sida loosoo kala dhoweeyey RW Rooble & Wasiir Dibadeedka Kenya markii ay kala booqdeen labada dal

0

(Mombasa) 11 Agoosto 2021 – Waxaa shalay magaalada Mombasa gaarey RW Somalia, Maxamed Xuseen Rooble oo hadda la sheegayo inuu u dhaafay dhanka magaalada Nairobi, kaddib wada hadallo uu halkaa kula yeeshay MW Kenya, Ahuru Kenyatta.

Haddaba, waxaa kala geddisan sida loo kala qaabiley RW Somalia markii uu Kenya booqday iyo markii ay todobaadkii tegey Muqdisho gaartey Wasiir Dibadeedka Kenya CS Raychelle Awour Omamo.

RW Rooble waxaa loosoo dhoweeyey si caadi ah markii uu Mombasa ka degey, halka Omamo loo sameeyey waxa loo yaqaan soo dhowayn buuxda (full VVIP reception), iyadoo loo fidiyey roog cas.

Arrintan ayaan wax sidaa usii ridan ahayn markii moowduuci ahaan wax loo eego, balse waa tafaasiil ugu yaraan micne ku daraysa labada arrimood.

Hadalsame Media