RW Rooble oo noqday madaxii ugu horreeyey ee muddo 30-sanadood ah kaddib ku duula sumad gaar ah

0

(Muqdisho) 10 Agoosto 2021 – RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqday madax dowladeed kii ugu horreeyey muddo 30 sanadood ka badan ku duula sumad duulitaan oo u gaar ah madaxda caalamka, taasoo ka duwan midda duullimaadyada caadiga ah.

”Duulista Hawada sharciyan Madaxweynayaasha Adduunka waxa ay qaataan duulimaadyada 001 Ra’iisul Wasaarayaashana 002. Soddan sano kaddib
waxa DF Soomaaliya ay buuxisay Shuruucdii duulista hawada,” ayuu soo qoray Afhayeenka Xafiiska RW, Maxamed Ibraahim Macallimuu.

”Sidaa awgeed maanta Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu duulimaadkiisu yahay SOM-001 taas ah ka dhigan in xitaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah in ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” ayuu raaciyey.

RW Rooble ayaa goor dhowayd waxaa uu u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu ka helay MW Kenya, Ahuru Kenyatta.

Hadalsame Media