Koox forfeit la siiyey oo lagu yiri soo celiya dhibcaha & jahawareer ka taagan ciyaaraha Puntland

0

(Garoowe) 10 Agoosto 2021 – Waxaa soconaya muran ka dhashay kaddib markii Kooxda Sanaag dhibcihii qaab forfeit ah looga siiyey kooxda Gobolka Nugaal, iyadoo deeto sheegtay inay gebi ahaanba iskaga baxday ciyaaraha Puntland, iyadoo ku doodday in laga eexday isla markaana uu xitaa garsoorihii ciyaartu sheegay inuusan ciyaarta qabanayn haddii ay dheelayaan kooxda Sanaag.

Haatan ayaa waxaa dhankaa kasoo kordhay war cusub, sida lagu sheegay Barnaamijka Diiwaanka Wararka ee Idaacadda maxalliga ah ee Radio Daljir.

”Mid kamid ah xubnaha Xiriirka Kubadda cagta ee Puntland ayaa Radio Daljir u sheegay in Guddigii loo saaray xalinta Ciyaartii Nugaal Iyo Sanaag ay soojeediyeen in ciyaartii la ciyaaro oo Nugaal 3 dhibcood laga soo celiyo, kooxda Nugaal ayaa ku gacan sayray soojeedintaas,” ayaa lagu baahiyey Idaacadda Daljir.

”Maamul xumo baahsan oo ka dhexjirta Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa sababtay inay dhacaan khaladaad waaweyn oo caqabad ku ah habsami u socodka Koobka 8’aad ee goboladda Puntland.
”Wasaarada Shaqadda, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland ayaa ku dadaalaysa in la xaliyo mushkiladaha ay abuureen xubno kamid ah Xiriirka.” ayaa la daba dhigay.

Arrinta ayaa si kastaba haatan meel cakiran taagan, iyadoo xiriirka maxalliga ah ee Puntland lagu dhaliilayo hab-raac xumo, eex, musuq iyo waayo aragnimo la’aan.

Hadalsame Media