“Fadeexad dul hoganaysa Xiriirka Kubadda cagta Puntland!” – Radio Daljir

0

(Hadalsame) 09 Agoosto 2021 – Warbaahinta Daljir ayaa heshay xogta fadeexad ay ku dhexjiraan xubno kamid ah Xiriirka Kubadda cagta Puntland oo maamulaya koobka 8-aad ee goboladda Puntland kaasoo hadda ka socda garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Xubno kamid ah Xiriirka ayaa balanqaadyo u sameeyey qaar kamid ah xulalka ku hardamaya Koobka kuwaasoo ku aadan in xiriirku Xulalka qaar ka caawi doono sidii ay ugu fulin lahaayeen dano u gaar ah tartamayaasha qaar.

Warbaahinta Daljr ayaa heshay cadaymaha laba xubnood oo ka mid ah Xiriirka kuwaasoo lacag waydiistey mid kamid ah Xulalka ku tartamaya Koobka si ay xulkaasi oo cabasho qabey ugu markhaati furaan.

Wasaarada Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland oo aan xog badan ka hayn hab dhaqanka aan waafaqsanayn sharciga ciyaaraha oo ay caadaysteen qaar kamid ah Xiriirka kubadda cagta ayaa caqabado waaweyn kala kulmaysa xalinta mushkilahaha ka dhashay hab dhaqanka danaha iskhilaafsan ee gaarka ah ku dhisan oo ay wadaan xubnaha Xiriirka Kubadda cagta ee Puntland.

Isha: Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Hadalsame Media