Midowga Musharrixiinta oo hal arrin ku taageeray mid kalena ku diidey RW Rooble (Kulan dhacay)

0

(Muqdisho) 08 Agoosto 2021 – Shir ay aalada fogaan araga ku yeesheen xubno ka tirsan midawga musharixiinta ayay aad uga hor yimaadeen doorashadii guddiga garabka RW kuxigeenka Mahdi Guuleed ay isku doorteen magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale ku tilmaamay mawqifkii C/kariin Xusseen Guuleed uu ku taageeray arrintaas mid aan ka turjumaynin rabitaanka golaha, oo uu ku dag dagay.

“Warkaan oo aan ka soo xigtay Xubno ka tirsan Midawga Musharixiinta ayaa intaasi sii raaciyay, in goluhu uu ka hadlay muranka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxwayne Farmaajo iyo RW Rooble.” ayuu soo qoray Weriye Xasan Cadde.

Wuxuu intaa raaciyey inay RW Rooble ku taageereen go’aankii uu ka qaatay arrimaha dublamaasiyada iyo heshiisyada hay’adaha dawladdu galayaan gudo iyo dibadba.

Hadalsame Media