Maamul-goboleedka Puntland oo caddeeyey moowqifkooda ku aaddan khilaafka Farmaajo & Rooble

0

(Garoowe) 08 Agoosto 2021 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa war kasoo saaray xaaladda ugu dambaysa ee dalka kaddib markii ay Madaxtooyada kasoo kala bexeen warqado ay iskugu jawaabayaan MW Farmaajo iyo RW Rooble.

“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.” Ayaa la daba dhigay.

Waa taageeradii ugu horreeysey ee uu muujiyo Maamul-goboleed ka mid ah kuwa dalka ka jira.

Hadalsame Media