”Halla joojiyo!” – Hal dabeecad oo calaamad u noqotay Villa Somalia oo aan koob SHAAH ah ka joogin madlaha diblomaasiyadda caalamka

0
(Hadalsame) 08 Agoosto 2021 – Hal dabeecad oo aan diblomaasiyadda Somalia caawin doonin loona baahan yahay in madaxda iman doontaa ay saxaan waa go’aamada deg degga ah ee seef la boodka ah ee iyaga oo aan laga fikirin saamaynta ay yeelanayaan la iska soo tuurayo. Taasi waxay keentay keenina doontaa natiijo caksi ah (Counterproductive).
 

Tusaale, hadda waxaan u joogney waxaa la wanaajinayaa xiriirka labada dal, balse mar qura ayay Madaxtooyadu dareenkeedii kasoo dallacday 0 iyadoo 100 gaarsiisey. Taasi waa fudayd iyo xaalad aan fadhin, loogamana baahna madlaha caalamiga ah.

Dunidu marka ay doonayso inay kula macaamisho waxay marka koowaad eegaysaa amaanka jireed ee dalkaaga, kaddib xasilloonida siyaasaddaada iyo sida ay u furfuran yihiin hab-raacyada ka degdan suuqyadaada, marna xisaabta laguma darsado dal duul duulaya oo marba gidaar herdinaya ee idinkoo caawa nabad ku wada seexday berri eryi kara Danjirahaaga.

Waa sababta Somalia ay u bixisay qiime aad qaali u ahaa markii ay bahdil wayn u gaysatey Soofiyeetkii u dhisay ciidankii abid ugu xoogganaa ee ay yeelato, iyadoo meel cidlo ah kusoo dhacday, maadaama uu go’aankaasi ahaa mid qalbiga laga qaatay ee aan maskaxda marna loo bandhigin. Diblomaasiyaddu kuma dhisna qiiro iyo laabla-kace laba daran baa lakala doortaa. Somalia jabhadihii iyo foowdadii maalintaa lagu kiciyey ilaa maanta waa ka taagan tahay, waayo waxay gashay khalad istaraatiji ah oo aysan aad uga fikirin.

Aan moowduuca usoo laabtee. Kenya waa dal deris ah oo ay dano badan kala dhexeeyaan Somalia, dabcan dhaqamo badan oo ay leedahay kuma raacsanin lamana dhacsanin, welibana cidda waxaa ku taageersani waa uun isla Soomaali kale oo ay qaarkood siyaasi yihiin, haddii la helo Soomaali danteeda iyo dalkeeda doonaysana Kenya waxba kama jari karto, sidaa darteed, wixii kasoo hara kiiska badda waa in lagala xiriiraa si wanaagsanna loola meel dhigaa arrimo badan, laakiin looma baahna khilaaf iska taagan oo aan lahayn meel uu ku dhamaado.

Waxaa ugu daran marmarsiinyaha ah dal baa la badbaadinayaa, adeer qof kasta oo Soomaali ihi ma ogola in dhul iyo bad Soomaaliyeed cid kale loo saxiixo nin madax ah oo taa ku dhacaana ma jiro, macquulna ma aha inuu Rooble taa ku dhiirrado. Haddaad run sheegaysaan warqadda xalay lasoo saaray ayaadba horay usoo saari lahaydeen isla 8-dii Febraayo.
 
Waxaa intaa dheer, in ay dad badani dareensan yihiin lana socdaan in sababta Jaadka Kenya loo xannibay ee xiriirkeeda loo xumeeyayba uu yahay in layn Jaad oo Itoobiya ah loo xirey dad Farmaajo saaxiib ama qaraabo la ah, taasina waxay ka mid ah boqollaal arrimood oo dadka waxgarta nacsiiyey nidaamka Farmaajo, balse uu isagu u muuqdo nin aan xitaa dersi karin ama garan karin sida ay rakhiis u tahay marna musuq u tahay in laba dal xiriirkooda intaa yar loo jaro. Mana jiro siyaasi horay sidaa u sameeyey muddadii burburka.
 

Dal kasta wuxuu sumcad iyo maqaam ku helaa sida ugu macquulsan ee uu xiriir wanaagsan ula leeyahay dunida kale, xitaa qiimaha baasaboorka dal leeyahay taas ayaa lagu kala sarraysiiyaa, waa inuu dalku isaga oo tiisii ilaashan yaqaan uu dadka kale tusi karo inuu muhim yahay, taana laguma sameeyo is xanaajin iyo qab maran.

Ka daaya oo yaan lagu dheelin caqliyada dadka. Dadku wax bay gartaane ka daaya ruwaayadaha fashilan oo yaan umadda waqti looga luminin dan shakhsi horay ayay u shaqayn waydey maantana shaqayn maysee.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media