DEG DEG: Suudaan oo u yeeratey Danjirihii u fadhiyey Itoobiyay kaddib markii ay ka carootey…

0

(Kharduum) 08 Agoosto 2021 – Sudan ayaa u yeeratey Danjirihii ka fadhiyey magaalada Addis Ababa ee ee looga taliyo Ethiopia, iyadoo ka xun mowqifka dalkaasi.

Kharduum ayaa doonaysey inay dhexdhexaadiso DF Itoobiya iyo fallaagada Tigreega ee ka dagaallamaya woqooyiga dalkaasi.

Yabooha Hamdok ayaa salka ku haya inuu yahay Guddoonka IGAD ee wareegtada ah, kaasoo ay ku jiraan Kenya, Ethiopia, Uganda, Djibouti, Sudan, Uganda iyo Somalia.

RW Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Antony Blinken, kala hadlay khilaafka Gobolka Tigraay.

Waxaase la yaab leh waxa keenaya in uu xumaado xiriirka labada dal ilaa heerkan maadaama aysan DF Itoobiya ku khasbanayn soo jeedinta Sudan.

Yeelkeede, labada dal ayaa muddo qarni ka badan isku haya dhul ku yaalla xadka labada dal oo ay Suudaan sheeganayso dhul beereedka Al Fashaqa oo ay labada dal ku heshiiyeen 1900. Waxay kaloo isku hayaan biyaha Niilka Buluugga ah.

Hadalsame Media