”Abaal ruuxi ah ayaan kuu haynaa” – Ansu Fati oo si qiiro leh uga hadlay abaal uu Messi u galay isaga iyo qoyskiisa

0

(Barcelona) 07 Agoosto 2021 – Laacib yaraha kooxda Barcelona ee Ansu Fati ayaa qoraal kooban balse dareen badan xambaarsan ku macasalaameeyey jookarkii kooxdaasi ee Leo Messi oo sanado badan kaddib ka huleelay kooxda, iyadoo loo badinayo inuu ku biiro PSG oo beeso badan haysa.

”Dhamaanba wiilasha yimaada Masia (xerada junyarka Barca) waxay ku riyoodaan inay kula ciyaaraan, nasiib ayaan leeyahay inay taasi ii rumowdey,” ayuu warkiisa ku bilaabay Fati.

”Waxaan doonayaa inaan kaaga mahad celiyo labadan sano kalgacaylkii aad ii muujisay iyo wax kasta oo aan kaa bartay. @leomessi qoyskayga iyo anigu si ruuxi ah ayaannu abaal kuugu haynaa, waxaan kuu rajaynayaa wanaag.” ayuu kusoo afjaray. 

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Ansu Fati (@ansufati)

Hadalsame Media