”Waan duqayn karnaa!” – Israel oo ku gooddisey weerar ka dhan ah Iiraan + Sawirro

0

(Tel Aviv) 06 Agoosto 2021 – Wasiirka Gaashaandhigga Israel ayaa ka dhawaajiyey in ciidanka dalkiisu ay diyaar u yihiin inay duqeeyaan dalka Iiraan haddii taa loo baahdo, xilli ay kacayso xiisadda u dhaxayso labada dal kaddib markii 2 qof lagu diley weerar lagu qaaday markab booyad ah oo ay Israel leedahay.

Waxay ragga dhintay u kala dhasheen UK iyo Romania. Ingiriiska ayaa si kulul uga hadlay arrintan.

Wasiir Benny Gantz ayaa shalay la waydiiyey mar uu la hadlayey Ynet News haddii ay Israel u diyaarsan tahay inay weerarto Iiraan, wuxuuna Gantz markiiba lasoo boodey jawaab sahlan oo hal eray ka kooban – “Haa”.

Wuxuu intaa raaciyey in Tel Aviv ay sidoo kale doonayso inay dunto beesha caalamka si looga hortago saamaynta iyo dhiirranaanta sii kordhaysa ee Iiraan, isagoo sheegay in aysan ku fillayn in “Iiraan laga dhigo dhib u yaalla Israel oo qura.” 

Arbacadii kasii horreeysey Gantz, oo uu wehliyo Wasiir Dibadeedka Yair Lapid, ayaa far muuqay nin ay sheegeen inuu hoggaaminayey weerarka lagu qaaday markabka oo marayey Gacanka Cumaan, kaasoo ay ku sheegeen “Amir Ali Hajizadeh, oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka ee Ilaalada Jamhuuriga ee IRGC kaasoo adeegsadey daroonno iyo gantaalo”, sida ay sheegeen, iyadoo uu Wasiirka Gaashaandhigu xusay in Iiraan ay 10 maalmood u jirto inay samaysato Nukliyeer.

Iiraan ayaa beenisey inay wax lug ah ku lahayd weerarka dhacay.
 

Israel Air Force F-16B Netz airplane. June 28 2011. Photo by Ofer Zidon/Flash90 *** Local Caption *** F16A
ðõ
îèåñ
çéì äàåéø
çéì äàååéø

Hadalsame Media