”SNM waxaa u dagaallamay Soomaali oo idil balse waa la inkiray!” – Siyaasi kashifay arrin aysan dad badani ogayn

0

(Burco) 06 Agoosto 2021 – Siyaasiga Cali Gureey oo ka mid ahaa dadka usoo dagaallamay Jabhaddii SNM ayaa ka hadlay arrin aysan dad badani war u haynin oo ah in SNM ay usoo dagaallameen una dhinteen dad badan oo reer koonfureed ah.

SNM oo markii hore ku samaysantay xoraynta Somalia, ayaa sida la wada ogsoon yahay markii dambe aag bedelatey oo ku dhawaaqday maamul sheegay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, waloow aan weli cidina aqoonsanin.

Cali Gureey ayaa sheegay in SNM ay ku abaal ka dhacday dadkii Soomaaliyeed ee ku biiray u dagaallamay una dhintay ama ku xubno beelay oo ay ku jiraan qaar ku indha beelay, balse aan maanta aqoonin wixii ay u dagaallameen, isagoo SNM ku misaaley sidii rahii markii uu biyo helay ku abaalka dhacay ninkii biyaha amaahiyey.

”Umad dhan ayaa SNM la halgamaysey una dhimanaysey oo ka bilaabata Puntland ilaa Kismaayo. Umaddaa nala halgamaysey iyo dadkii ka dhintay iyo maatadoodii, xitaa waad mahadsan tihiin maynaan odhan,” ayuu yiri Cali Gureey oo sheegay in ay dad SNM u dagaallamayaa ay ku dhinteen ilaa Dooloow.

Wuxuu intaa raaciyey in ay ku fiicnayd in xitaa haddii ay SNM is rogtey loo baahnaa in dadkaa lala xiriiro oo la marti qaado loona sheego go’aanka cusub, isagoo xusay in SNM laga dhigay sumad reereed oo dadkii kale oo dhan la inkiray.

”Umad dhan baad rogteen oo ay dadkoodii dhinteen oo aydnaan odhan waad mahadsan tihiin.” ayuu raaciyey Cali Gureey.

Hadalsame Media