”Ma Talyaani ayaa misna qaatay!” – Ingiriiska oo markale laga badiyey & weriye Ingiriis ah oo uu hadal kasoo fuqay + Sawirro

0

(Tokyo) 06 Agoosto 2021 – Talyaaniga ayaa u muuqda mid noqday calwasaadka Britain haddii ay tahay kubadda cagta oo ay uga guulaysteen dhamaadka EURO 2020 iyo xitaa ciyaaraha fudud.

Talyaaniga ayaa UK uga yaabiyey orodka qori isku dhiibka ah ee ragga ee 4×100-mitir, taasoo uu Marcell Jacobs ku helay billaddiisii 2-aad oo dahab ah ciyaaraha olombikada ah, kaasoo horay ugu soo guulaystey orodka faras caddaha ah ee 100-mitir Axaddii tagtay isagoo u orday sidii Usain Bolt waloow uusan gaarin rikoodhkiisii misna wuxuu ku orday 37.50 oo ah kan abid ugu sarreeyey Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa haatan Britain uga badiiyey 0.01 halka ay Canada maarta ku heshay 37.70. Waa billaddii ugu horreeysey ee dahab ah ee qori isku dhiib ah ee ay Talyaanigu abid ku helaan ciyaaraha Olombikada tan iyo 1948-kii.

Talyaaniga ayaa sibiq ku badiyey iyadoo ay xitaa weriyeyaashii tebinayey aaminsanaayeen inay Britain badisay midkood baa xitaa lahaa “Waan badinaynaa, waxaa dahabka helaya Great Britain? Oh nooo … waxaa helay Talyaaniga”, taasoo haatan aad looga hadal hayo baraha bulshada.

Hadalsame Media

Facebook Comments