Tigreega oo sheegay inay qabsadeen magaalo taariikhi ah oo ka tirsan Gobolka Amxaarada (Muhiimad caalami ah oo ay leedahay)

0

(Lalibella) 05 Agoosto 2021 – Mandefro Tadesse, ku xigeenka duqa magaalada Lalibella oo ah magaalo UNESCO ugu diiwaan gashan inay tahay meel qadiimi ah oo dhaqanka muhim u ah ayaa sheegay inay magaaladu u gacan gashay ciidanka Tigreega ee TDF.

Tadesse ayaa idaacadda BBC u sheegay in ciidanka Tigreegu uu magaalada kasoo galay dhanka jidka “Genete Mariam” iyadoo ay Reuters & AFP werinayaan warkaas oo kale.

Weli se ma jiro war rasmi ah oo soo baxay.

Waxaa xusid mudan in Lalibella ay tahay magaalo ka tirsan soonka Wallada ee Gobolka Amxaarada oo ku yaalla woqooyiga Itoobiya, kaasoo weliba deris la ah gobolka Tigraay, waana arrin dheg xumo ugu filan qoowmiyadda Amxaarada.

Hadalsame Media

Facebook Comments