“Sharciga meelna ugama jirto!” – Bahdilkii lagula kacay MW Xigeenka Kenya oo la la’yahay cidda soo amartay

0

(Nairobi) 05 Agoosto 2021 – David Mugonyi, Afhayeenka MW Xigeenka Kenya ayaa aad u dhaliilay arrintii lagu kacay MW Xigeen Ruto oo maalin dhowayd looga dhaartay inuu ka duulo Gegada Wilson mar uu u socdey dalka Uganda.

“Ma jiro wax sharci, go’aan Gole Wasiir ama nidaamin ah oo dhigaya in Madaxwaynaha iyo Xigeenkiisu ay rukhsad uga baahdaan Madaxa Adeegga Dadwaynaha si ay u safraan.” Ayuu ku dooday Mugonyi.

Tan ugu sii darani waa in uu Madaxa Adeegga Dadwaynuhu uu iska fogeeyey inuu isagu ka dambeeyey go’aankii lagu celiyey Ruto oo garoonka dhex taagnaa muddo 5 saacadood ah, kahor intaanu dib u laabanin isagoo caga jiid ah.

Arrintan sharci darrada ah oo lagula kacay MW Xigeenka ayaa la fahmayaa inay salka ku hayso khilaafka kala dhexeeya MW Kenyatta oo haatan wada qorshe uu ku wiiqayo musharraxnimada Ruto, isagoo maadaama uusan isagu isi sharrixi karin u camiraya hoggaanka mucaaradka oo ah Raila Odinga.

Hadalsame Media

Facebook Comments