Qiso dhab ah oo micne badan oo maalin dhexmartay Albert Einstein & darawalkiisii

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2021 – Albert Einstein oo ahaa saynisyahan iyo mufakir aad u caqli badan oo u diyaar garoobayo in uu muxaadaro bixiyo, ayaa darawalkiisa waxa uu ku dhahay; Mudane, waan ogahay, in aad ku daashay bixinta muxaadarooyinka iyo weydiimaha tirada badan ee muxaaradooyinka lagaa weydiiyo, bal ka warran haddii aan muxaadarada soo socoto aan anigu ku baddelo, oo aan muxaadaradaan soo jeediyo.

Maadaama, aysan iyagu shaqsi ahaan ku garaneyn oo ay magacaaga uun si wacan u garanayaan, dhanka kale timaheenna waa isu dhawyihiin, dad xoogaa isu yara egna waan u muuqanaa, kaliya sida aad u labbisato oo kale ayaan anne u labisanayaa, marka sidee u aragtaa haddaan ku baddelo?

Einstein, soo jeedinta aad ayuu kaga helay, wuuna ka ogalaaday codsigii darawalkiisa. Hoolkii ayay tageen, darawalkii muxaadarada ayuu bilaabay, kadib muddo ay si wacan u socotay hadal jeedinta darawalka ayaa nin gacanta taagtey, kadib weydiin aad u adag ayuu weydiiyay darwalkii isaga oo Albert Einstein u heysta.
Einstein, oo gadaal fadhiyay waxa uu sawirtay in darawalka uusan weydiintaas sidaa u adag ka jawaabi karin, asna uu magaciisa sidaas ku galaafan doono.
Nasiib wanaag, soo jeediyihii waxa uu dhahay; “Waa weydiin aad u fudud oo qof walbo uu sharrixi karo, oo hadda darawalkeyga gadaal fadhiyo ayaa sharixi karo ee bal aan dhageysano”.
Dhageystayaalka muxaadarada ayaga oo yaaban, ayaa Einstein sidii ku istaagay, weydiintii adkeyd ayuuna sharaxay, kadib na booskiisa gadaal ayuu ku soo laabtay.
Dulucdu waxa ay tahay qofka marka aad is fahameysaan, oo aad wax walbo isla meel dhigi kartaan, waxba idin kama xumaanayaan ama hallaabayaan. Waxaa kaloo muhiim ah in caqliga la adeegsado marka ay arrin adag kula soo daristo.

Qalinkii: Dhuubow

Hadalsame Media