”Anigu qabyaaladiiste ma ihi, balse dooni maayo inaan dadkayga u hoosaasiyo qabyaaladiiste kale!” – Lafa-gur culus & garwaaqsi

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2021 – Haggi Campione Qoraalkaygii u dambeeyay wax aad ka ga faallootay hadalkan: “Waan ku soo raadinay inaga(kumayaalka dhalinyarada u badan ee golahan kuugu jira) oo aqoon, ilbaxnimo, dadnimo iyo jacaylka dhaqanka iyo soomaalinimada kugu tuhunsan. Sidaas ayaa muddo darkan looga cabayey qoraallo aad waqti badan gelisay.

Ku mahadsanid kun jeer. Laakiin xaqiiqo kale ayaa jirtay oo ah in aad xakamayn waysay qalbadaada. Haa, laba ama saddexdii sanadood ee la soo dhaafay wax aad gashay xaalad kacsanaan ah oo aan dheeli tir lahayn.

Aqoonta sare iyo fahanka sare ee aad nolosha u leedahay, waxa aad heli kartay dariiq kale oo aad farriimahaaga kugudbiso. Wax ay ila tahay in laga baaqsan karay in, tusaale, shakhsi danayste ah lagu lamaaniyo qabiilkiisa leh sheekh iyo shariif iyada oo qof qabiil kale ah la waynaynayo!! Ixtiraamka sare ee laguu hayey baa sabab u noqday in aan jawaab laga bixin qoraalo badan oo aan Ibraahin looga fadhin!”

Qoraalkaa xalay waan kaa ga mahadnaqay kaa gana garaabay. In yar aan ka sii dhaho. Anigu wax aan ku barbaaray waxna ku bartay caasimadda Soomaalida ee Muqdisho. Waagii aan barbaarayay waxaa jiray dhaqan magaalo, waxbarasho iyo siyaasadeed oo ay ceeb iyo fadeexad ahayd in qabiil la ga hadlo, bal qabyaalad is ka ba daaye.

Horraantii sannadihii toddobaatannadii waxaa dhacay heshiis ummadeed oo la sharciyeeyay, kaas oo dhigayay in ay dembi iyo ceeb tahay sheegista iyo sheegashada qabiilka, bal qabyaalad is kaba daaye. Waxaa la xarrimay qofku in uu aqoonsigiisa dhaafiyo afar magac.

Sheegashada Suldaan, Ugaas, Boqor iyo wax la mid ah waa la mamnoocay. Heshiiskaa iyo sharcigaa dadka waaweyni markiiba waa ay jabiyeen, si foolxun oo munaafaqnimo ah ayayna qabiilka u gu dhaqmeen, ilaa madaxweynaha, laakiin carruurtii waxbaratay ee magaalooyinka, siiba Xamar, sidii wacnayd ee la baray bay ku barbaareen kuna dhaqmeen.

Ardayda iyo dhallinyaradu kooda magac qabiil ku dhawaaqa waxaa loo yaqaannay reer baadiye. Aniguna imika afar sano ka hor waan yaxyaxi jiray marka aan maqlo qof weyn oo magac qabiil afka ku ballaadhinaya. Rubuc qarni aan Soomaalida wax u qorayay la ga soo heli maayo eray xitaa u dhadhan eg qabiil iyo qabyaalad.

Intaana dadka aad aragtay baan ku dhex jiray oo la ahaa dood-wadaag, imana ay beddeli jirin. Cawaannimo ta u gu xun baan u aqaannay qabyaaladda. Markaa maxaa is ka kay beddelay afar sano ka hor? Wax aan yaqiinsaday in ay jiraan saddex xaqiiqo.

1) Dadka raba in ay Soomaalida ka danaystaan dhammaantood, siiba siyaasigu, waxa qudha ee fudud ee ay dantaa u adeegsadaan waa qabiilka iyo qabyaaladda, dadkuna taa wuu u nugul yahay oo waa la ga helaa.

2) Dadweynaha Soomaalidu afka u gu sahlan ee ay fahmaan ee wax loo gu sheegi karo ee dareenkooda iyo fahankooda la gu kicin karaa waa afka qabiilka, aad bayna u adag tahay in wax kale kiciyaan.

3) Soomaalidu weli ma ay dawladoobin ee waaqiceedu waa qabiilooyin, qabiilladuna hidde ahaan wax ay ku wada noolaan jireen in ay ka la baqaan sidaana is ku tixgaliyaan. Markaa iyada oo aan la dawladoobin haddii qolo qabiilkii adeegsato qolana is ka dayso dulmi baa dhacaya, sidaa darteed marxaladdan cawaanninada ah qabiilnimadu waa ilaalinta caddaaladda bulsheed iyo xitaa dawladnimada.

In Soomaalida qabyaaladda la ga saaraa wax ay u baahan tahay halgan adag oo adag oo wajiyo badan leh: tacliin, dawlad wanaag, xornimo dhaqaale iyo ilbaxnimo guud. Waana i gu wacad halgankaa aan rubuc qarniga soo waday in aan soo nooleeyo oo sii wado. Laakiin waan ku qasbanaa in aan dadka ku la hadlo afka ay maanta fahmayaan, haddii kale hodaddaabo ayaan noqon lahaa oo dadkayga niman cawaan ah oo cadaw ah oo aan qabyaalad mooyee wax kale garanayn baan u hoosaasin lahaa. Mahadsanid.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa ra’yiga qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media