Turkiga oo Somalia ka damacsan arrin kacaamin karta dhaqaalaha dalka & fursad cusub + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Agoosto 2021 – Turkiga ayaa ku sugnaa Somalia tan iyo 2011-kii oo uu dunida kusoo jeediyey macluul ba’an oo Somalia ku habsatey.

Intaa kaddib wuxuu Turkigu Somalia ka hirgeliyey mashaariic fara badan oo ay ku jiraan kaabayaal uu dalka u dhisay.

Haatan, Bankiga ugu ballaaran oo ay leedahay Dowladda Turkiga ee Ziraat Katilim ayaa xarun wayn mar dhow ka furanaya Somalia.

Waxaa Muqdisho tegey wefdi ballaaran oo ka socda bankigan oo guun ah soona jirey tan iyo 1863-kii isagoo la kulmay madaxda Somalia gaar ahaan hay’aadka maaliyadda DF Somalia iyo ganacsato.

Arrintan ayaa kacaamin karta ganacsiga dalka maadaama ay ganacsatadu heli karaan banki caalami ah oo lacago amaahiya.

Hadalsame Media