TIGRAAY: Maydad xirxiran oo sabbaynaya oo lagu arkay webi ku yaalla xadka Itoobiya-Suudaan (Cidda fartu ku godan tahay?)

0

(Addis Ababa) 04 Agoosto 2021 – Ugu yaraan 30 mayd ah ayaa kusoo caariyey daamaha webi ku yaalla gobolka Tigraay, sida ay sheegeen qaxooti isugu jira 2 Ethiopian iyo 4 Sudanese ah oo goobjoog ahaa, sida ay faafisay Reuters.

Maydadka ayaa laga helay webiga Setit River, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze, kaasoo haatan xad beenaad dabiici ah u ah ciidamada Tigreega iyo kuwa Amxaarada ee taageeraya DF Itoobiya. Webiga ayaa sidoo kale dhex mara Sudan iyo Ethiopia.

Dr. Tewodros Tefera, oo ah dhakhtar qalliin oo ka baxsaday magaalada Humera, ayaa Reuters u sheegay in 10 mayd ah la arkay 6-dii maalmood ee ugu dambeeyey, halka kalluumaysatada maxalliga ihi ay u sheegeen inay arkeen 28 kale oo 7 ka mid ah Isniintii la soo saaray.

“Waxaa laga toogtey xabadka, ubucda, lugaha… Sidoo kale gacmaha ayay ka xirnaayeen,” ayuu yiri isagoo sheegay inuu ka aqoonsaday 3 qof oo ka mid ah Tigreega Humera, iyadoo ay Tigree badan oo reer Humera ihi ay u qexeen dhanka Sudan.

“Waxaan aragnay 9 mayd ah… Way xirxirnaayeen wayna barareen, balse waxba jirkooda kama muuqan sida xabad ama wax lagu dhuftay.” ayuu raaciyey, isagoo soo bandhigay muuqaallo kale oo muujinaya maydad bararay oo yaalla webiga qarkiisa.

Redwan Hussein, oo ah madaxa howlaha deg degga ah ee DF ugu qaybsan Tigraay iyo Kornayl Getnet Adane, afhayeenka Ciidamada Ethiopia ayaa diidey inay arrintan ka hadlaan.

Hadalsame Media