Maamul-goboleedka Galmudug oo qaaday tillaabadii ugu horreeysey ee qabashada doorashada Aqalka Sare (Arrin isha lagu hayo)

0

(Dhuusamareeb) 04 Agoosto 2021 – Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug, Md Maxamed Nuur Gacal, ayaa xalay Dhuusamareeb kasoo saaray liiska Xubnaha Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee DF Somalia.

Guddoomiye Gacal ayaa magacaabay xubno ka kooban 12 qofood, kuwaasoo iska dhex dooran doona guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Waxay deeto ka shaqeyn doonaan sidii Xildhibaannada Maamul-goboleedka Galmudug ay u dooran lahayeen Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF Somalia ku meteli donaa Baarlamanka dhexe ee dalka.

Waxaa horay doorashooyin noocan ah balse daah-furnaantooda aad loo saluugey qabtay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo doortay qaar ka mid ah senatarrada Aqalka Sare, iyadoo la eegayo jidka ay marto doorashada Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay dhici karto in xubno ka tirsan musharrixiinta laga reebo liiska musharrixiinta, taasoo haddii ay dhacdo noqonayso ku tumasho kale oo Dastuuri ah.

Halkan hoose ka akhri liiska….

Hadalsame Media

Facebook Comments