Dhabbaha xadiidka ah ee isku xira Jabuuti-Itoobiya oo dib loo furay (Wada hadallo dhacay)

0

(Addis Ababa) 04 Agoosto 2021 – Waxaa dib loo furay dhabbaha xadiidka ah ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya, kaasoo xayirmay kaddib markii ay Cafartu weerar ku qaadday Soomaali deggan tuulooyinka Garbo Ciise iyo Edamaytu oo ka tirsan Gobolka SITI, kaddibna ay Soomaali caraysani xiren jidkaasi.

Ilo dowladeed ayaa Nation.Africa u sheegay in jidkaa dib loo furay kaddib wada hadallo ay DF iyo Maamullada Itoobiya ee ay khuseeyso la yeesheen bulshada Soomaalida iyo Cafarta lamana oga wixii lagu xalliyey dhulka la isku haysto ee ay Cafartu kusoo duushey, taasoo keentay in lasoo celiyo tareennadii rakaabka iyo kuwii qaboojiyeyaasha sidey.

Itoobiya oo ay dadkeedu gaarayaan 115 milyan isla markaana bad-xiran ah ayaa badeecooyinkeeda 95% kala soo degta dalka Jabuuti.

Waxaa isku xira dhabbe cusub oo dherersan 752 oo km, kaasoo ay dhismihiisa ku baxday $3.4 bilyan oo doollar oo xarigga laga jaray Jannaayo 2018-kii, iyadoo lagu dhisay amaah uu bixiyey Shiinuhu iyo 30% ay dabooshay Itoobiya.

Hadalsame Media