Soomaali badan oo khalad ka fahamtey kaalinta uu galay orodyahan Cali Xasan (Wareegga xiga miyuu usoo baxay?)

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2021 – Khabiirrada ciyaaraha ee loogu dhageysiga badan yahay iyo warbaahintii Somalida oo ku wada anbatay ciyaaraha oroddada Olimbikada ee ka socda magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Orodka 1500M ee uu wiilkeenna ka qeyb gelayay waxaa loo qeybiyay 3 qaybood oo Heat loo yaqaan, taasoo ay kasoo baxayaan 24-ka orodyahan ee ku orda rikoodhka ugu fiican.

Cali Xasan oo Somalia u orday wuxuu ku jirey dabaqadda 2-aad ee Heat 2 oo uu ka galay kaalinta 10-aad, lixda kaalin ee ugu horreeysa ayaa ka gudbay wareeggan una gudbay semifinal.

Labada qayb ee kale ee Heat 1 iyo Heat 3 waxaa kasoo baxay 18 orodyahan, dhanka kale haddii laga fiiriyo, waxaa tartankan 1500M saddaxdiisa qayb (Heat) dhameystay 44 orodyahan, celceliska guud waqtiga ay ku ordeenna waxa uu wiilkeennu ka helay booska 35-aad, guud ahaan intii dhameysatay orodka.

Waxaanse arkay dad badan oo iska qiireysan oo ila gaarey inay i dhahaan waxaad ka xun tahay guusha wiilka Soomaaliyeed iyo qaar i dhahay qabiil dartiis baa u xasdeysaa, waaba haddaan aqaan qabiilkiisee, waxaa jira kuwo kale oo aanba faham ka haysan ciyaaraha oo iskala kaa murmaya.

FG: Ugu yaraan kala saara qiirada iyo xaqiiqada.

Waxaa Qoray: Maxamed Deeyoo

Hadalsame Media