DHEGEYSO: Faa’iso Maxamuud oo sharraxday sababta ay MCC & Horseed ula dabbaaldegtey (Kooxaha ay caalamka ka taageerto)

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2021 – Faa’iso Maxamuud oo ah gabar dhallinyaro ah oo taageere ah ayaa si wayn loogu xifaalaynayaa baraha bulshada 24-kii saacadood ee tegey, iyadoo lagu haysto hal arrin oo ah sababta ay ula xafladaysey labada naadi ee MCC iyo Horseed oo Horyaalka Somalia qaaday labadii sanadood ee tegey, waloow kan dambe uu muran ka taagan yahay.

Faa’iso ayaa haddaba Hadalsame Media u sharraxday sababta ay arrintani ku dhacday, iyadoo caddaysay inay caadiyan taageerto kooxda Horseed, balse sanadkii hore ay xafladda MCC kala qayb gashay oo qura dad ay ehel yihiin.

Waxay sidoo kale ka hadashay kooxaha iyo xulka ay caalamiyan taageerto oo ay ku kala sheegtay Liverpool, Barcelona iyo Xulka Brazil.

Hoos ka dhegeyso codkeeda….

Hadalsame Media