Sida looga fal-celiyey sawirka gabadha yari wuxuu muujinayaa 2 arrimood oo aan lagu baraarugsanayn

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2021 – Waxaa baraha bulshada wareegaya sawirro laga qaaday gabar yar oo caseeye ah, taasoo la sheegay inay ku nooshahay magaalada Boorama ee woqooyi galbeed Somalia.

Dadku waxay arrinta gabadha ka bixiyeen fal-celin markii dhanka qiirada laga eego sax ku imanaya, balse markii dhanka farsamada iyo waaqiciyadda laga eego khiyaali ah.

Sabab? Dadku siyaasiga kuma qabsadaan inay wax ka qabto noloshooda taxtaaniga ah ee dhulka ku jirta iyo faqriga baahsan ee jira, balse waxay ku taageeraan inuu hantidoodii uu ka ururiyey lunsado oo ku takri falo iyaguna ay faqrigooda iskaga jiraan.

Meesha ay gabadhani joogto Muuse Biixi, Edna Ismaaciil iyo Faysal C Waraabe iwm, waxay dadka uga sheekeeyaan wax ay ku sheegayaan ”horumar” la gaarey, balse haddii aad maagto ka hadal biyo la’aanta ka jirta Hargaysa waxaa afka ku goosanaya mid ooman, balse aan ogayn inaad isaga u doodayso.

Meel kasta oo Somalia iyo dhulka Soomaalida ka tirsani waa sidaas oo kale. Khadiijo Diiriye oo DF ugu xusan Wasiirka Maaraynta Musiibooyinka, inay umad wax uga qabato waxaa uga muhiimsan kursigeeda iyo si kasta oo ay ku heli karto, mararka qura ee inay wax soo bandhigto ay doonaysana waxay soo bandhigtaa dahab fara badan oo ay ku raran tahay iyo arrimo kale oo aanan doonayn inaan hadda galo balse aan dal iyo dad waxba u taraynin. Beri dhowayd digir ay Burundi ku deeqday ayay gaysey Jowhar & Afgooye.

Waa dembi ka dhan ah caqliga iyo garashada suubban, in magaalooyin beereedkeennu ay bariis ka baryaan Burundi, laakiin iyaduna ma laha han iyo garasho heerkaa gaarsiisan shacabkuna maba yaqaannaan waxa ay doonayaan.

Farmaajo oo xitaa ku fashilmay inuu doorasho xilligeedii ku dhacda ka agaasimo dalkiisa, muddo kororsi fashilmay oo ahaa halka uu tamarta iyo fikirka badan geliyey kadidbna isku deyaya inuu doorashada qalloociyo, marna cidi ma waydiiso waxa uu ka qabtay heerka nololeed ee kasii dartay intii uu xilka hayey. Shalay ayaa ugu dambaysey ciidamo ayaa qalin jebiyey, balse xitaa marka tuutaha uu Turkigu siiyey ee hore ka dhamaado mid ay ku bedeshaan DF meel ma saarto e waa in dal kale ama cid kale ku deeqdaa, waxaa ka daran in aanay jirin siyaasad qaran oo ciidankaa xukunta. Sidaa dal kuma dhismi karo abadan. Xitaa milyan sano. Marka taa ka fikir waa halka uu cudurku ka imanayee intii aad cudurka laftiisa ka nixi lahayd.

Maamul-goboleedyada magac u yaalka ah ee u shaqeeya sida NGO-gu iyaguna waa sidaas. Waxay ka fikiraan hal sheey oo ah inay taako u dhigaan DF Somalia iyo wax kasta oo ay waddo, iyo in ay dal kasta oo Somalia kala daadinaya ku caawiyaan wixii uu doonayo. Dhismaha iyo wanaajinta nolosha umaddu marna xisaabtooda kuma jirto.

Waxaan beri dhowayd ku qoslay Maamul-goboleedyo ku shirsanaa Garoowe oo ka hadlayey waxbarashada. Halkii ay dooddu ahaan lahayd sida loo hagaajin karto tayada sii xumaanaysa ee waxbarashada Somalia oo hadda been abuurba iska noqotay, loona abuuri lagaa tas-hiilaad lagu soo saaro macallimiin cusub oo aqoon leh si sare loogu qaado maaddooyinka sayniska, farsamada gacanta iyo xisaabta oo aad u hoobtay, waxaa laga doodayey CIDDII MAAMULAYSA WAXBARASHADA. Yacni umaddu jago maran ayay ku jaajaaman tahay ee dhankii laga filayey maba jirto marka aad eegto qaayada howsha hor taalla dalka iyo dadka.

Haddii aan usoo laabto gabadha yar, waa sax in la caawiyo qofkii dhibban laakiin waa inaan ogaannaa in ay jiraan malaayiin carruur ah oo ku nool xaaladda gabadhaa yar oo kale, noloshoodana aan lagu maarayn karin shilimaad maalmo yar loo ururiyo kaddibna laga daysto.

Ha yeeshee, loo baahan yahay nidaam ka fikira wanaajinta heerka nololeed ee umadda iyo faqri ka saaristooda. Somalia waa dal soo saara wax uusan isagu cunin, balse cuni yaqaanna wax uusan soo saarin.

Taasi waxay kaliya ku saxmi kartaa siyaasad iyo qorshe istaraatiji ah oo aragti fog ku dhisaalan, balse inta taageertid siyaasi doonaya inuu lafahaaga dhuuxo, marka uu shansha dheerta kaa jebiyo haku qaylinin ”maxaa khaldan?!”.

Si haddaba, aanad u arag sawirka gabadhan yar oo kale, waloow aysan ceeb ahayn in uu qofku shaqaysto si kastaba, marka hore diiradda saar jidkii lagu wanaajin lahaa heerka nololeed ee umadda oo siyaasiga beenta badan kula xisaabtan inta kaabe ee uu dhisayo, halkii aad ku taageeri lahayd inuu kaash dhoco.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media