Kulankii berri dhexmari lahaa Horseed & Mogadishu City oo dood galay (Farriimo is khilaafsan oo kasoo baxay labada kooxood)

0

(Muqdisho) 01 Agoosto 2021 – Waxaa berri la wada sugayey kulan kala bax ahaa oo lagu go’aamin lahaa kooxda hananaysa Horyaalka Somalia, kaddib markii ay isku dhibco noqdeen kooxaha Horseed SC iyo Mogadishu City oo hoggaanka wada haya.

Yeelkeede, xilli ay ciyaarta ka harsan tahay wax ka yar 24 saacadood ayaa waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ka kala imanaya labada naadi ee ay ciyaartu dhex taallo.

Bilowgii kooxda Mogadishu City ayaa boggeeda Facebook ku baahisey farriin u dhignayd inay baaqatay ciyaartii berrito oo Isniin ah 2-da Agoosto dhexsan lahayd labada naadi.

Yeelkeede, in yar kaddib waxaa farriin muujinaysa inay ciyaarta diyaar u tahay soo qortay kooxda Horseed SC oo aan horyaalka il saarin muddo 40 sanadood ah, taasoo jahawareer gelisey taageerayaasha.

Xiriirka iyo agaasinka ciyaarta ayaan weli wax wacaal ah dhankooda laga haynin.

Hadalsame Media