”Bal is barbardhiga waxa uu Maraykanku Afghanstan ka sameeyey & sida uu Turkigu usoo noolaynayo Somalia” – New African Facts

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2021 – Bogga New African Facts oo ah mid u dhaqdhaqaaqa umuuraha Afrika isla markaana aad uga dhiidhiya aragtida gumaysiga cusub oo aad uga jira qaaradda ayaa soo qaatay farqiga u dhexeeya Maraykanka ka baxay Afghanstan iyo Turkiga jooga Somalia.

”Kaddib 20 sanadood Maraykanku wuu cararay kaddib markii uu kharash gareeyey tarilyanno doollar. Turkiguna wuxuu soo noolaynayaa Somalia isagoo aanay xitaa ka bixin  $2 bilyan. Dooro qofka aad isbahaysi la geleyso haddiiba magacaas qaar loogu yeeri karo,” ayay qoraalka ku bilaabeen.

”Siyaasadda dibedda ee Maraykanka ee faragelinta ku dhisani ma shaqayso. Ma jiro hal dal oo uu ku guulaystey. Xitaa hal. Waxay ku fiican yihiin inay dalka qasaan kaddibna cararaan,” ayuu raaciyey.

Bogga New African Facts oo sii hadlaya ayaa saadaaliyey dalalka xiga ee lagu tijaabin doono siyaasadda fashilan ee Maraykanku ku wajaho dunida.

”Cuba iyo Itoobiya ayaa noqon doona dalalka cusub ee bartilmaameedka u ah siyaasadda ku dhisan qaska, cunaqabataynta iyo macluulinta.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media