”Wiilkeennii waxaa lagu dhex diley Saldhig Booliis!” – Dhacdo murugo badan oo Muqdisho ka dhacday

0

(Muqdisho) 31 Luulyo 2021 – Wiil yar oo Bajaajle ah oo lagu magacaabo Cabdishakuur Muxuddiin Iimaan ayay eheladiisu sheegeen in dhowaan lagu dhex diley Saldhigga Booliiska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho kaddib la iska aasay, sida ay yiraahdeen mar ay la hadleen Shabeelle TV.

Waxaa dilkaa lagu eedeeyey Taliyaha Saldhigga, Najiib Carab, kaasoo kaddib wiilka dhallinyarada ah isagoo aan cidna kala tashan ama ogaysiin ku aasay Qubuuro ku yaalla Iskuulk Ciidamada Booliiska ee Xamar Jajab, sida ay sheegeen eheladu.

SIDA AY WAX U DHECEEN? Wiilka ayaa la sheegayaa inay jidka kasoo qabteen askar ka tirsan saldhigga, kuwaasoo uu ku jiro Taliye Xigeenka Saldhigga oo ay ku sheegeen Cabbaas, kaddibna waxaa markii wiilka la diley maydkiisa la geeyey Xarunta Dembi Baarista CID iyadoo aan wax magac ah lagu diiwaan gelin, lana sheegin sababta uu u dhintay.

Waxaa deeto la geeyey Isbitaalka Madiina ee Booliiska waxaana maydkii oo halkaa yaalla uga daba tegey Taliyaha Saldhigga oo isbitaalka uga been sheegay inuu haysto rukhsad wiilka lagu aasayo, isagoo halkaa kasoo qaaday oo misna kaligii aasay.

Wiilka oo Bajaajle ahaa ayay sheegeen in la keenay Saldhigga isagoo bed qaba kaddibna lagu dhex diley saldhigga, waxaa kasii daran in mootadiisii uu qof kale iskaga shaqaysanayo, sida ay eheladu ku doodayaanna waxaa taas lafteeda wax ka og Najiib Carab.

Qoyska wiilka ayaa codsaday in arrintan ay wax ka qabtaan madaxda ay khuseeyso min Gobolka ilaa Taliyaha Guud ee Booliiska si uu cadaalad u helo wiilkooda lagu tacaddiyey amaba loo sheego inaysan cadaaladi jirin, sida uu soo jeediyey oday ka mid ah ehelada marxuumka.

Hadalsame Media