Maamulka NISA oo qaaday tillaabo ay uga daba shaqeeynayaan RW Rooble

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2021 – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda NISA, Fahad Yaasiin, ayaa xilal cusub ku taxay rag xil gudasho xumo, ku tumasho dastuur iyo ku takri fal awoodeed uu xilalkii uga xayuubiyey RW Rooble.

Fahad Yaasiin oo laftiisa mudadii uu xilka hayey lagu eedeeynayo khaladaad badan oo qayrul sharci ah, ayaa Cabdiwahaab Sheekh Cali u magacaabay Agaasinka Qorshaynta & Tiknolojiyadda.

Wuxuu sidoo kale xil u magacaabay ninka kale ee Cabdullaahi Aadan Kullane oo uu ka dhigay Kaaliyaha Siyaasadda & Amaanka NISA.

Arrintan ayaa muujinaysa in madaxa NISA aanu xeerinin dareenka dadwaynaha iyo sidoo kale Dastuurka dalka, maadaama qofka ku xadgudba uusan xil kale mudnayn loona dhiibi karin sharciyan.

Hadalsame Media

Facebook Comments