Baro sida uu khayraadka dadka Kuuriya uu uga NACFI badan yahay khayraadka dabiiciga ah ee dal aan ka faa’iidaysan karin

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2021 – Waxaa jira 3 khayraad; khayraadka dabiiciga ah ee aannu wada naqaan, midka dadka oo aynaan xog badan ka hayn maadaama uu dalkeenna ku yar yahay iyo midka raasumaalka.

Faaruuq Alqaasim oo asalkiisu ka soo jeeda dalka Ciraaq, heystana dhalashada Norway , kuna takhasusay Cilmiga shidaalka, kaalin balaaranna ka qaatay soo saaridda shidaalka Norway ayaa qoray qormo aragti fog xambaarsan oo uu ugu magacdaray “Maalgelinta caqliga”.

Waxa ay qormadiisu u qornayd sidatan:

Ha iiga sheekeyn hodantinimada dal ay dadkiisu isku hayaan xaasidnimo, cunsuriyad, gobollo kala qo’qoban, aqoondarri iyo dagaallo.

Nigeria waxa ay ka mid tahay dalalka hodanka ku ah kheyraadka iyo macdanta, waxa ay sidoo kale ka mid tahay dalalka ugu wax soo saarka badan Shidaalka, balse eeg xaaladda ay ku sugantahay oo sabab u ah dadka ku nool oo naceyb isir iyo khilaafaadyo la daalaa dhacaya.

Singapore waa waddanka uu madaxweynihiisu maalin ooyay, sababta oo ah waxa uu Madaxweyne u yahay dal aan laga helin biyo la cabo…!! Maanta, dalkiisu wuxuu Japan kaga horreeyaa heerka dakhliga qofkiiba … !! ??

Casriga aan ku jirno , dadka dib u socodka oo qura ayaa ah ku weli eegaya waxa dhulka hoostii ku qarsoon, muxuu dhulka soo saari doonaa si ay ugu noolaadaan ….!!??? xilli bani’aadamku noqday maalgashiga ugu guusha iyo faa’iidada badan.

Miyaad ka fikirtay adiga oo iibsanaya teleefoon moobil noociisu yahay Galaxy ama iPhone, intee in le’eg ayuu taleefonkani uga baahan yahay kheyraadka dabiiciga ah?

Waxa aad arkeysaa inaysan ku kici doonin hal doollar oo ka mid ah qarashaatka lacageed ee laga helo kheyraad dabiici ah !!

Wuxuu ka samaysan yahay garaam yar oo bir ah, gabal muraayad ah iyo caag yar oo balaastik ah, hayeeshee waxa aad ku iibsanaysaa boqolaal doolar oo ka qiimo badan tobannaan fuusto oo saliid iyo gaas ah, sababtuna waxa ay tahay inay ku jirto hanti farsamo aqooneed oo ay soo saartay maskaxda dadka … !!! ???

Ma ogtahay in hal qof sida Bill Gates oo ah aasaasaha Shirkadda Microsoft uu halkii ilbiriqsi ku kasbado lacag dhan $ 226m?

Ma ogtahay in maalqabeennada adduunku aysan ahayn milkiilayaasha kheyraadka dabiiciga ah, hayeeshee ay yihiin kuwa leh ama curiyay “applications” fudud ee ku jira moobaylkaaga?

Ma ogtahay in faaiidada shirkad sida Samsung oo kale sanad gudihiis ay ku heshay 327 bilyan oo doolar.

Waxa aan u baahannahay boqol sano si aan u soo aruurinno intaas oo dakhli gudaha dalka laga soo saarray … !!! ???

Mala-awaal baad ku nooshahay haddii aad aaminsantahay inaad heysatid hanti kaa dhigaysa taajir hodan ah oo aan u baahnayn inuu ka shaqaysiiyo maskaxda !

Ka bax dhalanteedka, hodantinimo laguma helo caqliga dibiga.

Japan waxaa lagaga adkaaday dagaalkii labaad ee adduunka, in ka yar konton sano ayeey adduunka kaga aargudatay cilmi iyo tiknoolojiyad, nacasyaduna waxa ay weli ku weydiinayaan dariiqadda aan ka tirsantahay, heybtaada ama qabiilka aad tahay!!

Waxaa tarjumay: Cali Cabdi Cali Hoshow

Hadalsame Media