Ruushka oo si qarsoodi u dhisaya 2 dayuuradood oo la yiraahdo ”dayuuradda Yoowmal Qiyaamaha” & waxa ay qabanayso + Sawirro

0

(Mosco) 27 Luulyo 2021 – Ruushka ayaa wada nooc cusub oo ah dayuurad jiri jirtey waagii Soofiyeetka oo lagu naanaysi jirey ”dayuuraddii Yoowmal Qiyaamaha”, taasoo loogu tala galay inay raacaan madaxda sare ee dalku haddii uu lacalla dhaco dagaal furan oo nukliyeer ihi.

RIA Novosti, oo soo xiganaysa ilo dhanka wershadaha ciidanka ah ayaa kashiftay in dayuuradda lagu magacaabo Il-96-400M, taasoo ay samaynayso shirkadda caanka ah ee  Ilyushin oo dayuuradaha dhista.

Waxaa Dowladda Ruushka loo samaynayaa 2 dayuuradood, kuwaasoo leh talis guurguuraya oo saamaxaya inay hawada amarro ka bixiyaan iyadoo awood u leh inay hawada shidaal ku qaadato, isla markaana la xiriiri karta gujisyada guluclaynaya gunta badda gacan uu wareeggiisu dhan yahay 6,000 oo km.

Haatan, Ciidanka Hawada Sare ee Ruushka ayaa leh ilaa 4 dayuuradood oo ah nooca taliska guur guuraya sida ee Il-80, kuwaasoo laakiin gabow ah oo la sameeyey waayihii Soofiyeetka.

Yeelkeede, kuwa haatan la dhisayo ayaa ah sir qaran, tiiyoo ay jirto in ay tuugo ka xadday 39 qaybood iyo 5 raadiye sanadkii tegey xilli lagu casriyaynayey Taganrog, oo ku taalla koonfurta Ruushka, waloow la sheegay in waxyaabaha la xaday aanay asaasi u ahayn dayuuradda.

Hadalsame Media