Goorta & goobta lagu kala saarayo Mogadishu CC vs Horseed SC oo la go’aamiyey

0

(Muqdisho) 27 Luulyo 2021 – Kulanka lagu go’aanmin doono Kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Somali Premier League ee xilli ciyaareedkan oo u dhexeeya MCC iyo Horseed ayaa la shaaciyey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Kulan kula qatay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xiriirka Kubadda Cagta iyo Xubno Kale Oo ka Shaqeenaya Qabsoomida Cayaarta Playoff-ka ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya taasi oo dhex-mari doonta Kooxaha MCC iyo Horseed.

Waxaa la isku raacday in cayaartaan ay dhacdo 2-da Bisha Agoosto ee 2021 oo ku beegan Isniinta soo aaddan, kana dhacdo Garoonka Eng. Yariisow Stadium (Ex-Koonis).

W;D: Haaruun Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media