Cafarta oo Soomaali badan ku laysay Garbo Ciise & halka ay colaaddani salka ku hayso

0

(Jigjiga) 27 Luulyo 2021 – War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Islaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in maamulka Cafarta ee dalka Ethiopia uu ka dambeeyey dil loo geystay dad ku noolaa deegaanka Garbo Ciise oo ka tirsan Degmada Afdam ee Gobolka Siti.

Maxamed Rooble Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Warfaafinta Dawlad-deegaanka Soomaalida oo VOA la hadlay, ayaa sheegay in Sabtigii ay halkaa ”xasuuq” ka gaysteen dad Cafar ah, kuwaasoo magaalada haysta weli, waloow uu sheegay inuu jiro gurmad ay millateriga dhexe iyo kuwa Gobolka Soomaalidu soo sameeyeen oo jooga afaafka hore ee magaalada.

Wuxuu Rooble sheegay in dadka Soomaalida ah ee halkaa lagu laayey ay gaarayaan qiyaastii 350-400 oo qofood, isagoo tilmaamay in la isku hayo 3 tuulo – Candhayto, Candhufto & GarboCiise – oo ay Soomaalidu leedahay kuwaasoo ay EPRDF-tii Tigreega iyo Maamulkii Cabdi Ileey ay 2014-kii hoos geeyeen Maamulka Cafarta, waana tuulooyin dhaca jidka isku xira Addis Ababa iyo Jabuuti.

Waxaa deeto dhacday in 2019-kii uu Golaha Wasiirrada ee Maamulka Gobolka Soomaalidu uu ku dhawaaqay in ay lasoo noqdeen tuulinkaas la hoos geeyey Cafarta oo ka baxday ballamo horay loola galay oo ay ka mid ahaayeen inay noqdaan degaanno leh maqaam gaar ah oo waloow ay Carafta hoos tagaan misna si gaar ah iyagu isu maamula.

Wasiir Xigeenka ayaa intaa raaciyey in markii dadkan Soomaaliyeed la laynayey aanay waxba u qaban Ciidanka Dhexe ee Federaalka Itoobiya oo goobta joogey.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media