7 waxyaabood oo DABIICI ah oo timahaaga ka hor istaaga go’itaanka iyo daadashada (Fadlan ka faa’iidayso)

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2021 – Go’ista iyo burburka timuhu waa dhibaato daalisay dad badan, gaar ahaan dumarka, sida ay khubarada arrimahan ku xeeldheeri xaqiijiyeenna sababaha keena waxaa ka mid ah fallaadhaha qorraxda, iyo boodhka badan, sidoo kale wasakhowga hawada oo kiimikadu ku sii badanayso iyo qalabka lagu dhitimaha ama lagu feedho ayaa dhammaantood ay khubaradu sheegeen in ay dhibaato ku keenaan caafimaadka timaha.

Haddaba qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Bold Sky waxa aynu ku eegaynaa talooyin muhiim ah oo ay khubarada caafimaadka jidhka iyo qurxintu  sheegeen in qofku uu timihiis go’itaanka kaga ilaalin karo isaga oo aan dhakhtar iyo daweyn kiimikaad raadsan. Waxa aanay kala yihiin sidan:

1. Burcadka: In timaha la mariyo burcad gaar ahaan aad loogu badiyo qaybaha burburku uu kaga jiro timaha, oo inta la isku duubo muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah lagu daayo, kadibna shaamboo lagaga maydhaa waxa ay timaha siisaa nafaqada ay u baahan yihiin, nadaafad iyo dhalaal dheeraad ah.

2. Dacarta: Dacarta oo dawo yaab leh u ah caafimaadka maqaarku, ayaa sidoo kalana waxtar muuqda u leh daweynta burburka iyo go’itaanka timaha, maadaama oo ay ku jiraan faytamiinno iyo dheecaanno timaha jiriddooda nafaqaysaa.

3. Muuska: Muusku waxa uu saamayn togan u leeyahay daweynta burburka timaha, maadaama oo ay ku jirto maadadda Potassium ta oo la og yahay in ay gun illaa baar timaha ka  daweyso burburka iyo aflaaqada, isla markaana timaha midabkooda dabiiciga ah soo saarto.

4. Saliid saytuun: Hababka wax-ku-oolka ah ee loo daweyn karo burburka timaha waxaa ka mid ah in lagu duugo saliid saytuun in yar la diiriyey (Dabka la yara saaray oo diirran), gaar ahaanna aad loogu masaxo timaha meelaha go’aya ama burburku kaga jiro. Waxa ay khubaradu sheegeen in saliid saytuunta diirrani ay firfircooni ku beerto wareegga dhiigga ee timaha soo gaadhaya, isla markaana timaha si aad ah u dhalaaliso.

5. Saliid Qumbe: Saliidda qumbaha oo ah isla saliidda aynu u naqaanno Naarajiintu waxa ay ka mid tahay saliidka ay khubaradu isku raacsan yihiin in ay qoynta iyo duxda ugu fiican u leeyihiin timaha iyo xitaa jidhka ka hooseeya ee lafta madaxa ah. Saliidda qumbuhu waxa ay awood u leedahay in ay dhex gasho lafta madaxa oo ay siiso nafaqada uu u baahan yahay kana daweyso dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee burburka timaha keeni kara, sidaa awgeed waxa ay khubaradu in badan ku taliyaan in madaxa la marsado saliid qumbe diirran oo lagu daayo muddo saacad illaa laba saacadood ah ka hor inta aan la maydhin.

6. Xabka beedka: Beedka qaybtiisa dareeraha cad ah (Xabka) ayaa ka mid ah dawooyinka sida fiican wax uga qabta burburka timaha, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku taliyaan in madaxa la mariyo beedka xabkiisa, si ay uga faa’idaystaan Barootiinta ay u baahan yihiin ee uu beedkuna hodanka ku yahay, faa’idooyinka kale ee xabka beedku timaha u leeyahay waxaa ka mid ah in uu timaha jilciyo, daweeyo, isla markaana la dagaallamo urta aan la jeclayn ee mararka qaarkood timuhu yeeshaan.

7. Afakaadho: Afakaadhaha oo ah khudrad aan dalkeenna ka bixin laakiin muddooyinkii dambe uu isticmaalkoodu si aad ah ugu soo badanayo ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay, dawooyinka sida yaabka leh ula dagaallama burburka iyo go’itaanka timaha, maadaama oo uu hodan ku yahay Faytamiinno, barootiinno iyo Bootaasiyaam, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku taliyaan in midhaha Afakaadhaha la shiido illaa uu aad u jilco, kadibna lagu duugo timaha.

Waxaa Diyaariyey: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media