Dood qosol badan oo ka taagan sawirka MW Farmaajo ee lagu arko shaashadda Istaadiyo Muqdisho

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2021 – Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Madaxweyne Farmaajo!.

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA illaa iyo hadda waxa ay u maleeyaan in Farmaajo yahay halyey isboorti oo geeriyooday, ileen qof nool shaashadaha garoomada caalamka lagama soo muujiyee!.

Tusaale ahaan Sir Alex Ferguson oo aad intiinna badan wadagaranaysaan sidii uu uga fariistay kooxdii uu 26-ka sanadood maamulayey ee Manchester United ma aragtay isagoo sawirkiisa laga soo muujinayo garoonka Old Trafford?

Laakiin haddii uu dhinto Old Trafford iska daayee shaashadaha garoomada kubadda cagta oo dhan ayuu ka soo muuqan doonaa.

Dadkaan Soomaaliyeed qaarkood naga cilmi badan ee sidee wax loo wadaa??

Waxaa Qoray: Haaruun Y. Khasaaro

Hadalsame Media