SAWIRRO: Turkiga oo maraakiib dagaal u dhisaya dal Muslim ah (Dalal waawayn oo uu qandaraaska ka dul qaadayo)

0

(Ankara) 25 Luulyo 2021 – Ciidanka Badda dalka Bangladesh ayaa hal tillaabo u jira inay dalka Turkiga la galaan heshiis ku kacaya balaayiin doollar oo loogu dhisayo maraakiib dagaal oo dhowr-doorleyaal ah, kuwaasoo qaadi kara gantaalaha la hago.

Dhowr dal ayaa u sharraxan barnaamijkan oo lagu bixinayo $2.5 bilyan oo doollar, waxaana ka mid ah UK, France iyo South Korea, balse Turkey, China, Netherlands iyo Italy ayaa haatan iskugu soo haray.

Shirkadda Turkiga ah ee STM Defense Technologies Engineering and Trade Inc., oo ah midda dhisty maraakiibta dagaal ee Turkiga ee mashruuca MILGEM oo Istanbul lagu dhisay (arag sawirrada hoose), ayay u badan tahay inay qandaraaska ku guulaysato.

Bangladesh ayaa shirkaddan ugu xilanaysa inay ka qiime jaban tahay shirkadaha kale ee la tartamaya iyo inay ogoshahay inay hub dheeraad ah iyo sensors-ka wax dareema ay maraakiibta ay dhisto ku xiri karaan shirkadaha kale ee Turkish-ka ah sida Aselsan iyo Roketsan.

Hadalsame Media