Ramla Cali oo berri wajahaysa gabar Romanian ah & halka aad ka daawan karto (Taariikh xanuun badan oo soo martay)

0

(Tokyo) 25 Luulyo 2021 – Ramla Saciid Axmed Cali oo uu magaceedu xirfadeed yahay Ramla Cali ayaa berri noqonaysa feeryahankii Soomaaliyeed ee abid ugu horreeyey ka qaybalka Ciyaaraha Olombikada oo sanadkan ay martigelinayso Tokyo.

Ramla oo 31-jir ah ayaa wajahaysa gabar u dhalatay Romania oo la yiraahdo Nichita Maria Claudia, iyadoo dagaalladii sokeeye ee dalka kasoo carartay xilli ay tillaabada la dhacdhacaysey 1991-kii, waxaana uu hoobiye diley walaalkeed oo 12-jir ahaa.

Waxay joogis koobnayd oo Kenya ahayd kaddib u gudubtey dalka UK, gaar ahaan London, iyadoo halkaa ka bilowday mihnadda feerka fudud oo ay billado uga heshay dalkaasi 2016-kii.

Ramla oo sidoo kale ah moodal, qoraa iyo gayfane, waxay sheegtay inay rajanaynayso inay tusaale u noqoto dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba, si ay ciyaaraha uga qayb galaan.

Feerka berritoole ee Ramla vs Nichita oo iyadu 27-jir ah, 26-ka Luulyo, waxaad kala socon kartaa hilinno ay ka mid yihiin Euro Sport.

Hadalsame Media