Maraykanka oo sharraxaad yaab leh ka bixiyey sababta ku kalliftay inuu dib u bilaabo duqaymihii Somalia

0

(Alaska) 25 Luulyo 2021 – Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa micneeyey sababta ay Maraykanku dib ugu bilaabeen weerarrada duqaymaha cirka ee Somalia, isagoo sheegay inay tillaabadaa qaadeen kaddib markii ay Ciidamada Somalia dib u bilaabeen weerarro ka dhan ah kooxda Shabaab.

Austin oo weriyeyaashii la safrayey kula hadlayey Eielson Air Force Base ee Alaska, ayaa sharraxay in Ciidamada Somalia ay si wayn dib ugu riixeen kooxda Shabaab, taasina ay keentay inay dhanka cirka ka caawiyaan.

Taliska U.S. Africa Command ayaa Shabaabka bartilmaameedsaday 20-23kii bishan Luulyo, kaddib 6 bilood oo hakad ahaa markii uu xilka la wareegey MW Joe Biden.

Ciidamada DF Somalia iyo kuwa Galmudug ayaa Shabaabka kula dagaallamaya meelo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo uu Afhayeenka Pentagon, John Kirby, uu VOA u sheegay in aysan jirin ciidamo Maraykan ah oo dhulka jooga, balse ay cirka uun ka taageerayaan, isagoo diidey bixinta xog dheeraad ah “amaanka howlgalka dartii.”

Maraykanka ayaa Somalia ka fuliyey 63 weerar 2019-kii iyo 53 uu sameeyey sanadkii tegey. 7 weerar ayuu sameeyey 2½ todobaad ee ugu horreeyey 2021, kahor intaanu xilka ka degin Donald Trump.

Hadalsame Media