Madmadow ka muuqda natiijada imtixaannada dugsiyada sare marka dhanka tirada laga eego

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2021 – Natiijada imtixaanka dugsiyada sare ayaa lasoo saaray natiijadiisa, 4 dowlad goboleed iyo banaadir ardaydooda ayaa ka qeyb qaatay, sida ka muuqata waxaa mar kale arday badan ka dheceen caasimadda.

Inkastoo ay wax badan dhaamaan natiijadii sanadkii hore oo 8k iyo dheeraad ahaayeen intii dhacday, halka ay sanadkaan noqdeen 4k iyo dheeraad oo la dhihi karo wey dadaaleen, inkastoo weli u baahan yihiin dadaal dheeri ah si natiijadu u fiicnaato.

Dhowr arday baa ii sheegtay caddaalad darro weyn iney ka jirta wasaaradda wax-barashada “imtixaanada aan ku galno iskuuladeena oo ka adag kan wasaaradda waxaan helnaa natiijo ka wanaagsan tan kasoo baxda wasaaradda” ayaa kamid ahaa cabashada qaar kamid ah ardayda oo ii raaciyay in arday badan ay isaga hareen imtixaanka iyo waxbarashada, waxaana caddeyn u ah ardayda guud ee sanadkan iyo kii hore u fariisatay sidey u kala badan yihiin.

Isku soo wada duub 21649 arday ayaa baastay ama u gudubtay gobolka banaadir, halka ay u gudbeen ama baaseen 8613 arday dowlad goboleedyada oo dhan.

Haddaan fiirino dhanka dhicitaanka banaadir waxaa ka dhacday 4382 waa tiro aad u badan, halka afarta dowlad goboleed ee Galmudug, Hirshabelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed wadarta ka dhacday ay tahay 264 kaliya oo ah tiro aad u yar.

waxaan leeyahay ardayda banaadir dib isugu noqda, wasaaradda waxbarashadana far baa idinku godane sidaan wax ka badala.

Hambalyo dhamaan guuleystayaashii imtixaanada iyo macalimiintii wax bartay.

Waxaa Qoray: Maxamed Deeyoo

Hadalsame Media