Faransiiska & Israel oo qoorta iskula jira (Lambarka MW Faransiiska oo lagu arkay liiska….)

0

(Paris) 25 Luulyo 2021 – MW Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa RW Israel, Naftali Bennett, ka dalbaday inay sharraxaad ka bixiyaan barnaamijka wax lagu basaaso ee Pegasus Spyware oo ay samaysay sharikad Israeli ah oo la yiraahdo NSO Group mar uu shalay telefoonka kula sheekaystay sida lagu qoray Anadou Agency.

Hilinka Channel 12 ee dalka Israel ayaa sheegay in Macron uu walaac ka muujiyey wararka sheegay in mobaylkiisa iyo qaar ka mid ah saraakiisha Dowladdiisa la jabsaday, iyadoo uu Bennett ballan qaaday in baaris heer sare la bilaabi doono.

Waxaa la sheegayaa in ugu yaraan 10 dal oo ay ku jiraan – Bahrain, Kazakhstan, Mexico, Morocco, Azerbaijan, Hungary, India iyo Imaaraadku – ay macaamiil u yihiin NSO Group si ay u bartilmaameedsadaan gayfanayaasha, weriyeyaasha, qarreennada iyo siyaasiyiinta lidka ah.

App-ka Pegasus Spyware ayaa telka gelaya iyada oo aan la dareemin, wuxuuna deeto u dhacayaa xogaha telefoonka iyo farriimaha ku kaydsan, isagoo sidoo kale shaqo gelin kara makrafoonka telefoonka si uu u duubo sheekooyinka ka socda, taasoo telefoonka laftiisa ka dhigaya sirdoon jeebka kuugu jira.

Warqaadka Le Monde ayaa qoray in lambarka Macron iyo madax kale oo Faransiis ihi uu ku jiro 50,000 oo qof oo app-kan lagu bartilmaameedsaday oo ay faafiyeen Amnesty International iyo Forbidden News.

Hadalsame Media