”Markii la arkay inuu yahay MUQAYIL ma qubayste ah ayaa lagu daray gabar caqli badan oo kasoo jeedda qoys sabool ah!” (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2021 – Sheekadii duco waalid waa soo duxdaa. Akhri qaybtii 1-aad…

Maalmaha soo socdo waa loo yaabaa Mustaqbalka Idman Cali Geele wuxuu qarka u saaran inuu ka dhaco haadaan dheer. Dadka deegaanka weey ku kala aragti duwan yihiin.

Dadbaa aaminsan haddeey affo u noqoto Faarax lows in iyada iyo reerkeedaba ay dhigayaan dhiisha Faariga..dadka aragtidaas aaminsan waa kuwo sandareerto lacageed ka hela qoyska dhaqan ee Faarax lows oo asaloowga reer Waaberi ahaa.

Kuwa ku cusub deegaanka balse aad u kala yaqaana labada qofood ee Faarax iyo Idman ayaa aad uga dayrinaya guurka aan loo abdayin ee la iclaamiyey maalmaha soo socdo inuu ka dhici doono Hoteelka Jaziira.

Idman waa gabar qalbi furan oo dadaal badan. lexe jeclada mustaabalkeeda iyo aayaha reekeeda waa yoolka keliya ee u muuqday oo ay tiigsaneysay.

Qalinka ayey ka dhex aragtay in ay u tahay fursadda kaliya ee ay kaga dabaalan karaan gunnimada reerka faqriga la daalaa dhacaya.waana sababta ay waxbarashada ugu qalab qaadatay oo kaalinta lixaad ay kaga gashay Imtixaankii looga gudbayey dugsiyada sare ee dalka oo dhan.

La soco qaybaha xiga….

Waxaa Qoray: Abuukar Salaad Diiriye Fareey

Hadalsame Media