Farsamo aad loogu baahnaa oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho & waxtarkeeda oo durba la arkay

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2021 – Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee USAID ayaa kaalmo farsamo oo muhim ah siisay shirkad Soomaaliyeed oo diyaarinaysa calafka xoolaha.

USAID ayaa sheegtay in ay agabka waraabka dhulka ku wareejisey shirkadda Caanaha Geela iyo Calafka Xoolaha ee Banadir Camel Dairy and Fodder Farm taasoo agabkan aad ugu baahnayd.

Taasi waxay keentay in wax soo saarka calafka xooluhu uu kordho 200%, wax soo saarka caanuhuna uu kordho isagoo ahaa 600 oo liitar balse haatan gaaraya 855 oo liitar.

Waxaa aalaaba muhim ah shaqaale si wanaagsan u carbisan, qaabab wax loo kaydiyo oo wanaagsan iyo maarayn hagaagsan oo dhanka beeraha ah.

Somalia ayaa aad ugu baahnayd farsamooyinka casriga ah ee xoolaha loo dhaqo si faa’iido badan looga helo si ka duwan qaababka haatan oo dhib uun inta badan lagala kulmo wax nolol ahna aan laga sameeynin, iyadoo ay dalka ugu saboolsan yihiin dadkii ugu taajirsanaan lahaa oo ah kuwa xoolaha dhaqda.

Hadalsame Media