Faransiiska oo bilaabay inuu diido in aayadaha & axaadiista qaar laga akhriyo masaajidda dalkaasi (Arrin wer wer leh oo bilaabatay)

0

(Loire) 24 Luulyo 2021 – Wadaad Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gobolka Loire ee dalkaasi Faransiiska ayaa howshiisii laga eryey kaddib markii uu akhriyey aayad iyo xadiis ay Faransiisku ku sheegeen ”mid aan la jaanqaadi karin dhaqanka Faransiiska”, xilligii salaadda Ciidul al-Adxaa.

Imaam Mmadi Ahamada, oo ka dujiya masjidka wayn ee Great Mosque of Saint-Chamond, kana soo jeeda jasaa’irka Comoros, ayaa masjidka ka akhriyey xadiis iyo aayado uu kasoo qaatay Suuradda Al Axsaab, kuwaasoo ka hadlayey xaasaskii Nabiga NNKH.

Waxaa deeto muuqaalkaasi faafiday Isabelle Surply, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, waxaana kaddib uu Wasiir Gudeedka dalkaasi, Gerald Darmaina, uu maamulka gobolka  Loire Governor ka dalbaday in Imaamkan shaqada laga joojiyo isla markaana aan xitaa loo cusboonaysiinin rukhsadda deganaanshiyaha, maadaama buu yiri uu soo qaatay ”aayado ka dhan ah sinnaanta jinsiga”, sida uu yiri.

Wadaadka oo la hadlay warqaadka Le Progres ayaa isna sheegay in sawir khaldan laga bixiyey aragtida Islaamka oo ogol inay dumarku shaqaystaan oo xirfado bartaan sida dhakhtar, injinneer ama xitaa duuliye noqdaan.

In yar kaddib maamulka masjidka ayaa baraha bulshada ku faafiyey in Imaamka shaqadii laga joojiyey, iyadoo ay dowladda hoose ee Loire Governorate ay xustay inaysan degannaanshiyaha u cusboonaysiin doonin wadaadka.

Faransiiska ayaa weerar cad ku haya shacaa’irta Islaamka iyo Muslimiinta dalkaasi, mana aha Imaankii ugu horreeyey ee weerar lagu qaado.

Imam Mahdi, oo 4tii Juun masjidka Gennevilliers Mosque ee Gobolka Hauts-de-Seine ka akhriyey khudbo ku saabsan dhaliil uu u jeediyey lebiska haweenka Muslimiinta ah ee Faransiiska ayaa isna amar kasoo baxay Darmanin lagu joojiyey.

Wasiir Gudeedka ayaa xitaa maamulka gobolka faray in guud ahaanba masjidka la xiro haddii mar dambe lagu qabto muxaadaro noocaas ah, iyagoo adeegsanaya qaabab cusub oo lagula soconayo masaajidda.

Hadalsame Media

Facebook Comments