Donnarumma oo dabin xun ugu dhacay Raiola (Wargays Faransiis ah oo kashifay arrin cusub)

0

(Paris) 24 Luulyo 2021 – Warqaadka Faransiiska ah ee L’Equipe ayaa kashifay in Gianluigi Donnarumma uu bilowga  Paris Saint-Germain ka qaadan doono lacag ka yar middii ay u ogolayd kooxda AC Milan.

Laacibkan ayaa ka dhaqaajiyey kooxdan dheelsiisey kulan-bilowgiisii Serie A isagoo 16-jir ah, kaddib markii uu ka diidey inuu qandaraaska cusboonaysiiyo tiiyoo ay iyadu soo saartay ilaa junyarka, waxaana markii hore la sheegay in uu PSG kula biiray €12m oo euro oo saafi ah.

Yeelkeede, L’Equipe oo waraaqaha qandaraaska falanqeeyey ayaa qiray in laacibka reer Talyaani aanu Paris ka heli doonin beeso ka badan midda Milan, isagoo qaadan doona €7m oo qura sanadkii ilaa Juun 2026-ka.

AC Milan ayaa sanadkii u ogolayd €8m oo saafi ah, balse farqigu wuxuu yahay in PSG ay siinayso gunno dheeraad ah, balse taas lafteedu waxay ku xiran tahay haddii ay qaadaan Ligue 1 ama Champions League.

Wakiilkiisa Raiola ayaa la fahamsan yahay inuu ahaa ninka wiilkan u isticmaalay helitaanka dallaal qaali ah, taasoo ah sababta ugu wayn ee uu ugu dadaalayey inuu Milan uga diro si bilaash ah, taasoo aan Donnarumma laftiisa dani ugu jirin, sida warkan ka muuqata.

Hadalsame Media