DAAWO: Booliiska Indonesia oo sidii ”rooxaan” u lebbistey si ay dadku u raacaan amarro lasoo rogey

0

(Malang) 24 Luulyo 2021 – Booliiska Indonesia ayaa sidii rooxaan u lebistey, waloow aan abid la arag sida ay rooxaani u taallo, si ay dadwaynaha uga celiyaan inay jidadka iskugu soo baxaan uguna baraarujiyaan halista cudurka Covid-19 oo dalkaa faro ba’an ku haya.

Saiful Ilmi oo u hadlay booliiska dalkaasi, gaar ahaan kuwa jooga Malang, ayaa tilmaamay inay tillaabadan ku muujinayaan inay dadka tusaan in cudurkan laayaanka ihi uu dhab yahay.

Booliiska oo soo xirtey dhar cad wejiyadana rinji soo marsaday ayaa cod nooc kale ah ku lahaa ”fadlan guryihiinna jooga”, iyagoo jidadka taagan.

Halkan hoose ka daawo.

Hadalsame Media