Wasaaradda Waxbarashada DF Somalia oo fashil dhex taagan (Arag caddayntan)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2021 – Inkastoo dhanka waxbarashada Soomaaliya horumar fiican laga sameeyay sanadihii dambe haddana Arrin aad u fool xun oo wax ka qabasho u baahan ayaan ku arkay bogga Internet-ka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya | https://soneb.gov.so/natiijada_ardayga_list.php | halkaas oo laga baaro Natiijada Imtixaanaadkii Fasallada 12-aad ee dugsiyada kala duwan ee dalka.

Tusaale Anigoo dalka dibaddiisa jooga haddii aan ku qoro Rool Lambar ka bilaabanaya 219XXXXX oo ka kooban 8 lambar waxaa ii soo baxaya arday walba natiijadiisa iyo dhibcihii uu keenay, inuu dhacay iyo inuu gudbay, magaciisoo saddexan, magaca Hooyadiis oo saddexan, Iskuukuu dhigto iyo Natiijada uu keenay Maaddo walba.😱

Si fudud ayaa loo baari karaa dhammaan feylasha Ardayda Iskuullada dalka iyo Natiijooyinkii ay keeneen oo weliba waxaa laga qaadan karaa Screenshot, taas oo meel ka dhac ku ah Ardayda Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, dhaawac weynna u geysanaysa mustaqbalkooda dhanka waxbarashada.

Xogta gaarka ah ee qofka shaqsiga ah lalama wadaagi karo qof kale ogolaansho la’aantiisa, waana dembi.

Tusaale dalalka horumaray Natiijada Imtixaanaadka derbiga laguma soo dhejiyo, qofina qof kale dhibcihiisa ma arki karo, qof walbana Bashqad ayaa loogu ridayaa natiijadiisa marka la siinayo shahaadada kama dambeysta ah ama waalidkiisa ayaa loogu dhiibayaa.

Waxaa Diyaariyey: Yaxya Yussuf

Hadalsame Media