“Cid dhulkeenna kusoo xadgudbi kartaa ma jirto!” – Kenyatta oo Somalia ku dhega hadlay

0

(Lamu) 22 Luulyo 2021 – MW Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaysan marna aqbali doonin in aanu dalkiisu marna aqbalaynin in xuduudihiisa qayb ka tirsan uu soo daakhulo dal kale.

Ahuru ayaa waxa uu digniin u jeediyay xoogag uusan carrab dhabin oo uu laakiin tilmaamay in aysan xushmeynaynin madaxbanaanida dhuleed ee dalkiisa Kenya, taasoo loo qaatay Somalia.

Kenyatta ayaa hadalkan oo uu jeediyay shalay mar uu booqanayay Keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyey in dalkiisa aanu marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qayb ka mid ah dhulkiisa.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Warkan ayaa kusoo beegmaya jeer ay labada dal ka shaqaynayaan wanaajinta xiriirkooda oo aad u xumaaday sanadihii tegey.

Hadalsame Media