”Waan baaraynaa!” – Kenya oo xog dheeri ah kasoo saartay dayuuraddii ku dhacday Ceelwaaq (Halka ay u socotey & magaceeda)

0

(Nairobi) 21 Luulyo 2021 – Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee Kenya ayaa baaris ku bilowday wixii sababay dayuuraddii sida deg degta ah ugu degtey garoon ciidan iyadoo ay saaran yihiin 45 qofood.

“Waxay ku degtey garoon ku yaalla Ceelwaaq oo u dhow xadka Kenya-Somalia waana  baaraynaa. Waxyeello nafeed ma jirto.” ayuu yiri Agaasinka Guud ee Hay’adda KCAA, Gilbert Kibe.

Kibe ayaa xaqjiijiyey in dayuuradda shilka gashay ay tahay Skyward Express iyagoo baaraya waxa keenay inay dayuuraddu jidka ka baxdo, iyadoo ay saraakiil maxalli ah oo Somalia ka hadlay ay sheegeen in dayuuraddu ay ku degtey xero ciidan oo ku taalla Burahache.

Dayuuradda ayaa kasoo duushay garoonka Wilson Airport ee Nairobi, iyadoo u socotey Mandheera markii ay shilka geleeysey.

Hadalsame Media