Ciidamada Tigreega oo galay gobolkii ugu horreeyey ee ka baxsan dhulkooda (Dagaal dhexmaraya Tigreega & Cafarta + Oromo)

0

(Semera) 21 Luulyo 2021 – Ciidamado ka socda Gobolka Tigraay ee woqooyiga Ethiopia ayaa weerar ku qaaday gobolka bari kaga beegan ee Cafarta, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Gobolka Cafarta.

Waxay taasi ka dhigan tahay in Tigreegu ay isku ballaariyeen gobolkii ugu horreeyey tan iyo bilowgii gulufka oo haatan 8-bilood maraya, gaar ahaan Gobolka Cafarta oo aan dagaalkii hore ku lug lahayn.

Ciidamada Tigreega ayaa la sheegay in Sabtigii bilaabeen soo gelitaanka Gobolka Cafarta iyagoo dagaal kala kulmay ciidamada Cafarta ee maxalliga ah iyo malliishiyaad la olog ah, sida uu sheegay afhayeenka Cafarta, Ahmed Koloyta.

“Waxaa haatan nagu soo fool leh Ciidamada Federaalka Itoobiya oo aannu kala shaqayn doonno cirib-tirka ciidamada Tigreega.” ayuu yiri Koloyta.

Getachew Reda oo u hadlay malliishiyaadka TDF ee Tigreega ayaa isna sheegay in aysan doonayn “qabsiga dhul kale balse ay doonayaan inay wiiqaan cududda dagaal ee kooxaha iyaga ka hor jeeda” mar uu Reuters kula hadlay telefoonka satellite-ka, isagoo sheegtay inay dib u riixeen malliishiyaad Oromo ah oo usoo gurmatey Cafarta.

Reuters ma xaqiijin karto sheegashada Reda.

Hadalsame Media