XOG CUSUB: Dilka Madaxwaynihii Haiti oo lugaha lasoo galay shirkad ka shaqaysa dalka Somalia

0

(Port-au-Prince) 19 Luulyo 2021 – Kharaajintii 7-dii bishan Luulyo qasrigiisa caasimadda Port-au-Prince loogu gaystey Madaxwaynihii Hiati ee Jovenel Moïse ayaa lugaha lasoo galay shirkad ka howlgasha Somalia, sida lagu qoray New York Times.

Sida kasoo baxday dembi baarayaal ka kala socda jasaa’irka Haiti iyo Dominican Republic, dilka Madaxwaynaha ayaa lagu tuhmayaa 3 nin oo waawayn oo ah kuwa agaasimey waxayna kala yihiin: Chrisitan Emmanuel Sanon, Antonio Antriago iyo Walter Veintemilla.

Walter Veintemilla, oo ah madaxa shirkadda Worldwide Capital Lending Group, ayaa ka mid ah dadka loo haysto inuu khaarajinta wax ka abaabuley, iyadoo ay shirkaddani ka shaqayso lacag amaahinta, maalgashiga iyo dib u dhiska, waxaana meelaha ay ka shaqayso ka mid ah dalka Somalia.

Nin ka mid ah ragga loo qabtay dilkii Madaxwaynaha oo u badan askar hore, ayaa sheegay in la baray nin Spanish ku hadlaya oo ka socdey shirkadda WCLG ee Mr Walter Veintemilla, taasoo howsha wax ka agaasimaysey, bartamihii bishii Juun.

Hadalsame Media