Maamulka Gobolka Banaadir oo xilli aan ku habboonayn ku dhawaaqay tillaabo ay dadku la yaabeen!

0

(Muqdisho) 19 Luulyo 2021 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii oo kala bar ah soo saaray wargelin ku saabsan inay dadku maanta fasax yihiin.

Maamulka ayaa fasaxa u cuskaday inay maanta tahay 9-ka Carrafo sidaa darteed, shaqada hadda la joojiyo, iyadoo la is waydiinayo sababta horay loogu qorshayn kari waayey maadaama lasii ogaa xilliga u ku beegan yahay Sagaalaadka oo ay dad badani soomaan.

Ogaysiiska oo far waawayn iyo mid yar yar ku qoran taasoo lafteedu muujinaysa xirfad xumo dhanka qoraalka ah ayaa u dhigan sidatan:

WARGELIN DEGDEG AH: FASAX KA NOQOSHO MAANTA AH

IYADOO LA FULINAYO GO’AANKA DUQA MAGAALADA AHNA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BAAHI SHAQO AWGEED WAXA LAGA NOQDAY FASAXI SHAQAALAHA MAANTA KALIYA.

SIDAAS DARTEED, MADAXDA SHAQAALAHA XUKUNTA WAXA LAYDINKU WARGELINAYAA IN AAD SI DEGDEG UGU YEERTAAN SHAQAALAHA GOOBAHA SHAQADANA SAACAD GUDEHEED LA BILAABO SHAQOOYINKII.

Fasaxuna berri ayuu ka bilaabanayaa waana ilaa khamiis inshallaah.
Fulinwacan

Agaasimaha waaxda shaqada & shaqaalaha D. Hoose &.M.G.Banaadir
Muuse Cali Eybakar

Hadalsame Media