Gadgaddoonka siyaasadda gilgilanaysa ee Itoobiya & go’aan xumada iyo gunnimada Soomaalida

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2021 – Isbeddelka Itoobbiya iyo gunnimada Soomaalida.

Soomaalidu casrigan waa ay gumowday. Dhab bay u gumoday. Iyada ayaa is gumaysay oo is ku jabtay naf iyo maalba. Waa dhulyaal taagtii iyo tamartii ka dhammaadeen, mid jasad iyo mid nafsiyadeedba. Dadka gumooba waxaa la gu yaqaan waxaa ka luma damaca iyo awoodda nafsiyadeed ee ay noloshooda iyo dunidooda ku saamayn lahaayeen ee wax ka ga beddeli lahaayeen.

Soomaalidu in ay gumowday wax aad ku garataa in ay ka baxday loollankii Geeska Afrika oo marxalad taariikhi ah maraya. Itoobbiya oo ay wax ku lee yihiin isbeddelka weyn ee ka socda wax ay ka yihiin maato ilmadow ah oo daawanaysa. Tigraay baa inoo fiican ee ha adkaadeen iyo Amxaaro ayaa inoo xun ee ha jabto ayay dooddu ka ga idlaatay. Dagaalka maxaa innaga galay ee ciidanka loo gu dirayaa kuwo badan baa leh.

Qof ay dhibic gobannimo ahi qalbigiisa ku jirtaa ma keeni karo hadal ah Tigraay iyo Amxaaro kooda xun iyo kooda fiican, waayo labaduba waa ay ina gumaysteen, imikana wax ay ku dagaallamayaan koodii innaga iyo Itoobbiya oo dhan gumaysan lahaa. Qofka gobta ahi sidaa u ma fekereen ee wax uu ku fekeri lahaa, waa maxay mintidnimada u gu weyn ee aynnu ka ga qayb qaadan karno isbeddelka Itoobbiya ka socda si wanaagga u gu weyni innoogu soo baxo?

Garashada gobta ahi wax ay garan kartaa isbeddelka Itoobbiya waa in uu laba natiijo mid uun ku dambeeyaa. Itoobbiya u dhaqaaqda dhanka sinnaanta, dimuqraadiyadda iyo midnimo la gu wada noolaan karo, ama Itoobbiya qoomiyado u ka la daadata markaana Soomaalidu dhulkeeda u tashan karto. Labadaa ta ay wax noqon doonaanba imika ayaa Soomaalida loo ga baahan yahay qorshaheeda iyo ka qayb galkeeda. Arrimaha dagaalka iyo siyaasadda Adis Ababa labadaba waa in la gu milmaa oo la gu yeeshaa saamaynta u gu weyn ee suuragal ah.

Waxaa Qoray: Ibraahim-hawd Yuusuf

Hadalsame Media